Dowlad ku lug-lahayd riditaankii Xasan Cali Khayre oo farta lagu fiiqay

Image

NAIROBI, Kenya – Qadar ayaa kaalin ku lahayd qorshihii lagu ridday Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii Soomaaliya ee xafiiska joogay ku dhowaad 40 bilood, sidda shaaca looga qaadey maqaal lagu daabacay Daily Nation.

Faaladan ciwaan looga dhigay "Soomaaliya ha laga badbaadiyo Farmaajo iyo Xildhibaanada aan daacadda ahayn" ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in qurba-joog la safan Farmaajo ay maageliyeen shirqoolkaas.

Inkasta oo qormadda aan lagu soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadda, haddana waxay dab kusii shiday tuhunka laga muujiyey sidda guddoonka uu ku tiriyey codadka Xildhibaanadda lagu tilmaamay 170.

Eryida Khayre oo cambaareyn caalami ah iyo mid maxali ahba la kulantay ayaa timid maalmo kadib markii madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda ay heshiis ku kala saxiixdeen magaaladda Dhuusamareeb.

Heshiiskaas ku saabsanaa in doorashooyinka soo aadan ay ku dhacaan waqigooda, guddina u saarey nooca doorashadda waxaa soo dhaweeyay daneeyeyaasha iyo xisbiyadda oo talaabo fiican u arkay.

"Heshiiska Dhuusamareeb wuxuu abuuray rajo. Balse, baarlamaanka aan daacadda ahayn, oo uu taageerayo Farmaajo, qurba joogta saaxiibadiis ah iyo dalka saliida ka sameeya lacagta ayaa ku dhawaaqay "hadalka" kalsooni kala noqoshada ra'iisul wasaaraha iyaddooo aysan jirin coddeyn, habraac baarlamaan iyo mooshin la gudbiyey," ayaa lagu yiri maqaalka The Nation.

Talaabo caddeyneysa in uu la socday qorshaha, Farmaajo ayaa 30 daqiiqadood kadib wuxuu aqbalay eryida Khayre, isagoo durba magacaabay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah kana dhigay ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar.

Iyaddoo saacado kadib uu kalsooni kala noqoshada uu Khayre ku sifeeyay sharci darro, haddana magacaabida Khadar waxay dhalisay dood dastuuri ah gaar ahaan qodobka 103 ee Axdiga ku meelgaarka ah ama qabyada ah.

Qodobkaas wuxuu xeerinayaa in ra'iisul wasaaraha xilka laga qaado uu xukunka sii joogayo illaa laga soo magacaabayo shaqsigii bedeli lahaa.

Dhamaan talaabooyinkaan waxay u qaadayaan xulafada Farmaajo sidii ay u heli lahaayeen muddo kororsi laba sano ah maadaama waqtiga baarlamaanka dhacayo November, 2020, xukuumaddana Febraayo, 2021.

Qadar oo maalmo kahor shirkii Dhuusamreeb uu kasoo laabtey Khayre ayaa maalgelisay ololihii doorashadda Farmaajo 2017-kii. Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha NISA, waa isku xiraha Villa Soomaaliya iyo xukuumadda Dooxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 07:42AM

Xamse: Waxaan fulinaynaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu jiro Ramadan

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka warhayaan wararka been abuurka ah iyo male-awaalka ay faafinayaan argagixisadu.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 02:16PM