Taliyeyaal lagu dilay ismiidaamin gudaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii ciidamadda booliska degmadda Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane oo loo garan ogaa Calooley, ayaa lagu waramay in fiidnimadii Axada, 9-ka May, lagu khaarijiyey qarax ismiidaamin ahaa.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay qaybo kamid ah caasimada ayaa ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaala wadada Maka Al Mukarama ee magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey, ku-xigeenka Taliayaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir, ayaa ku jira dadka ku geeriyoodey weerarkan. Sida ay muujinayaan warbixinadda, marxuumka ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey qaraxa.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah oo magacyadooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn la hadalka saxaafadda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ismiidaamiyaha uu galay gudaha saldhiga.

Mas'uuliyiinta amniga ee uu GO la hadlay ayaa ka cabsi qaba in waxyeeladda ay kasii badan karto inta haatan la ogyahay maadaama "naftii haligaha uu dhex-galay saraakiil iyo askar badan oo goobta joogtey".

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaadey goobta oo uu arkay warsidaha Garowe Online lana baahin karin sababo la xiriira iyaddoo la ilaalinayo dareenka dadweyaha ayaa muujinaya meydad badan yaala wadada.

Kumuu ahaa marxuum Calooley?

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Hasa ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Shabaab.

Marxuum Calooley ayaa xilka taliyaha booliska degmadda Waaberi waxaa loo magacaabay dhowaan, isaga oo bedelay Mooshin oo kamid ah dadka loo haysto dilka guddoomiyihii degmada Hodan, marxuum C/xakiim Dhagajuun.

Kahor xilka taliyaha booliska degmadda Waaberi, marxuum Calooley oo hore uga soo howlgalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wuxuu soo noqdey taliyaha booliska degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis.

Magaciisa wuxuu si weyn u caan-baxay ka gedaal markii uu si furan uga hadlay dhaqan-xumo la sheegay in ay habeenkii ka jirto huteeladda ku yaala xeebta Liido, isagoo ku goodiyey in ay "ciqaabayaan dhalinta" lagu qabto.

Dowladda Soomaaliya iyo culimadda ku dhaqan magaalada caasimadda ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay in ku guuldareysteen ay wax ka qabtaan dhaqan-xumaddaas oo bulshadda qaarkeed ay xustey in ay ka dhalan karto "carro ALLE".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM