Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark oo Muqdisho kula kulmay Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark Jeppe Kofod ayaa Arbacada maanta ah, waxaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Kofod ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ku dhow xafiiskiisa.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda, SONNA, ayaa shaacisay in dhinacyadda ay kulankooda diiradda lagu saarey xaalada dalka, gobolka iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal.

Inta la og-yahay, Jeppe Kofod ayaa imaatinkiisa Soomaaliya waxay u noqoneysaa markii ugu horeysay. Denmark ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya.

Xukuumadda Copenhagen ayaa bishii April ee sanadkan 2019 waxay ugu tabarucday Soomaaliya 21-milyan oo loogu talogalay kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga.

Denmark ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay qayb ka tahay dowladdaha aadka u xiiseynaya in ay soo saaraan shidaalka Soomaaliya heshay ee 30-ka bilyan ee fuusto ah.

Muqdisho ayaa si rasmi ah waxay ku dhawaaqday in bixinta shatiyadda ay bilaabi doonto bisha soo aadan ee December kadib shir ka dhici doono mid kamid ah dalalka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM