​Radio Garowe oo biyo gaarsiisay gobolka Sanaag [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Warbaahinta Radio Garowe oo fadhigeedu tahay magaalo madaxda Puntland, ayaa bilowday barnaamij loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay ee ku dhaqan gobollada kala duwan ee Puntland.

Barnaamijkan ayaa ah mid lagu aruurinayo lacag wax loogu qabto dadka dhibaataysan ee ay ka le'deen xoolahoodii islamarkaana aan haysan wax ay cabbaan.

Qorshahan ayaa bilowday labo cisho ka hor, waxaana kaalmadii ugu horraysay la gaarsiiyay gobolka Sanaag, gaar ahaan halka lagu magacaabo Murcanyo oo u dhaxaysa degmada Baran iyo Ceel-buh. Waxaa la gaarsiiyay ilaa saddex booyadood oo biyo ah.

Lacagta waxaa ku tabarucay dhagaystayaasha Idaacadda Radio Garowe, waxaana barnaamijkaas oo maalin kasta soo gali doona inta dhibaatadan taagantahay daadihinaya Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay. Halkan ka dhagayso midkii baxay 10 November, 2016

Qaar kamid ah dadka biyaha la gaarsiiyay oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kaalamada Warbaahintu u aruurisay, balse waxay tilmaameen inaysan ku filnayn oo ay u baahanyihiin deeq intaas ka badan.

Howl-wadeenada Idaacadda iyo bulshada Garowe, ayay uga mahad-celiyeen sida ay ugu gurmadeen dadka dhibaataysan ee ku sugan gobolkaas.

Qoysaska biyaha helay, waxaa kamid ahaa reer Miyiga kasoo xarooday oo ka kooban 9 ruux kuwaasoo abaartu dhaafisay hantidoodii.

Agaasimaha Radio Garowe, Axmed Cawil Jaamac, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in hadafyada Idaacaddu kamidtahay caawinta dadka tabaalaysan, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay sii wadayaan qorshahan inta laga baxayo dhibka taagan.

Maaha markii ugu horraysay ee Radio Garowe samayso barnaamij caynkan ah, waxaana ugu dambeeyay kuwo lacago loogu aruuriyay masaajid iyo abaaro intaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM