Awooda codbixinta Soomaalida Mareykanka sii kordheysa

Image
Image
Image
Image
Image
Guud ahaan Ameerika, 11 Soomaali Mareykan ah ayaa sanadkan u sharaxan xafiisyo dowladeed.

WASHINGTON, USA - Inkastoo ay dhawaanahan Soomaaliya ka dhaceen weerarro argagixiso oo ay dad badan ku dhinteen, doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa noqotey mawduuc aad u xiiso badan oo ay bulshadu Soomaalida ku hadal-hayso maqaayadaha, masaajidda, suuqyada ganacsiga iyo xataa baraha bulshada.

Laga soo bilaabo waddooyinka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka, ilaa dhanka waqooyi bari ee magaalada Columbus, Ohio oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida labaad ee ugu badan, doorashada xilliga dhexe ayaa xudun u ah doodahooda.

"Tani waxay muujineysaa xamaasadda aan u hayno siyaasadda waxayna sidoo kale calaamad u noqon kartaa awoodda codbixinta Soomaalida ee Maraykanka," ayuu VOA u sheegay Xuseen Nuur, oo ah aabaha sagaal carruur ah, oo lix sano ka hor ka soo cararay rabshadaha Soomaaliya.

Guud ahaan Ameerika, 11 Soomaali Mareykan ah ayaa u tartamaya kuraasta sharci dejinta. Qaar ayaa sidoo kale loo doortay golayaasha magaalada, guddiyada dugsiyada iyo guddiyada goobaha nasashadda ee magaalooyinkooda.

"Waxaan dareemeynaa farxad! Marka aad aragto qof aad isku-xidid tihiin oo u tartamaya xil dawladeed, qof raba inuu kugu matalo golaha sharci-dejinta, runtii waxay ku siinaysaa tamar aad ku baxdo oo aad codayso," ayay VOA u sheegtay Faadumo Cali Cabdi oo dukaan ku leh Karmel Mall, xarun ganacsi oo Soomaaliyeed oo ku taal Minneapolis.

Musharaxiinta Aqallada dawlad-goboleedka waxaa kamid ah Maana Cabdi oo dimuqraadi ah kana tartamaysa Lewiston, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Maine, iyadda oo aysan jirin cid la baratamaysa.

26-jirtan ayaa ku dhalatay xero qaxooti oo Kenya ku taal, waxayna Maraykanka timid iyada oo 11 jir ah. Laanta afka Soomaaliga ee VOA uga warrantay waxa ku dhiirigeliyay inay u tartanto mansab siyaasadeed. Hadafkeeda ugu weyn ayay ku sheegtay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka haysta bulshadeeda gaar ahaan dhanka guriyeynta.

Ku dhawaad ​​dhammaan Soomaalida ku tartamaysa doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka waxay xubin ka yihiin xisbiga Dimuqraadiga kaasoo calankiisa ay ku ololeyn doonan.

Codbixiyayaasha kasoo jeeda bulshooyinka aan cadaanka ahayn ee Mareykanka ayaa muhiim u ah doorashada. Dimuqraadiga iyo Jamhuuriyiinta waxay ku tartamayaan in ay helaan codadka dadkan.

Soomaalida oo ka tilmaaman bulshooyinka kale ayaa sanadkan waxaa ay ka mideysan yihiin hal ujeedo oo ah in ay kor u qaadaan matalaadda dadkooda, iyo in ay karaar-siiyaan geedi-socodkooda dhanka ka qeybgalka siyaasadda iyo in ay cod u noqdaan dadkooda soogalootiga u badan oo haatan kor-u-dhaafaya 300,000 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM