Hufnaan la'aanta iyo Musuq-maasuqa Maamulka Maaliyadda DF
MUQDISHO, Soomaaliya - Hantidhawrka Guud ee Soomaaliya Maxamed Cali Afgooye ayaa soo bandhigay warbixin sanadeedka 2020, taasoo daboolka ka qaadey sida ay hay’adaha dowladda, oo u badan wasaaradaha u lunsadeen hantida dadwaynaha iyo isdaba-marintii dhacday.
Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa Baaristaan ku sameeyay 25 hay'adood iyo saddex safaaradood oo ku kala yaalla Turkiga, Uganda iyo South Africa, kuwaasoo dhaqaalihii ay aruuriyeen si gaar ah u isticmaalay.
Waxyaabihii ugu muhiimsanaa warbixinta waxaa kamid ah:
1 – In hay’adaha dowlada sameeyeen Kharash bixin dhan 9 milyan oo dollar, oo aan wadan cadeymo ku filan iyo warqaddo muujinaya sida loo isticmaalay kharashaadka.
2 - Inay galeen Heshiiyo waaweyn, oo ku kacaya $31 milyan oo dollar, kuwaasoo aan laga kasoo diiwaan gelin Xafiiska hanti-dhowrka, sida uu qabo sharciga.
3 - In Koontooyin Bangi oo ka baxsan Khasnadda dhaxe ee dawladda oo si sharci darro ah loo furtay.
4 - In Deeqo maaliyadeed, oo gaaraya $17 milyan oo dollar oo aan lasoo dhexmarin nidaamka maaliyadda, laguna soo darin miisaaniyadda dalka ee 2020.
5 - In saafaaradaha ay sameeyeen Dakhli aruurin dhan $278 kun oo dollar, islamarkaana lagu darin warbixin maaliyadeedka.
6 - In Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir wax xisaabcelin ah ka sameyn $78 milyan oo doolar oo ay ka heleen dowladda dhexe sanadkii tagey.
7 - In diblomaasiyiinta safaaradaha dibadda aan lagu shaqaaleysiin si waafaqsan sharciga shaqaaleysiinta dowladda, iyadoo lagy qoro dadka si qaraabo kiil ah, qabiil iyo saaxiibtinimo.
8 - In Wasaaradda Amnigga aysan laheyn shuruuc iyo xeerar dhammaystiran kuwaas oo qeexaya siyaasadaha iyo habraacyada soo saaridda shatiyada, diiwaangelinta iyo maamulka hubka iyo shirkado amni oo gaar loo leeyahay.
Waxaan baarista ku ogaannay in aysan safaaradaha Soomaaliya ee ka hawl-gala dalalka South Africa, Uganda iyo Turkey aysan haysan xeerka dakhli qabashada.
Dakhli ka badan $277-kun oo dollar ayaa waxaa isticmaalay Safaaradaha Soomaaliya ee ka hawl-gala dalalka Koonfur Afrika, Turkiga iyo Uganda iyada oo aan wax isla-xisaabtan ah aysan ka hayn Xafiiiska Xisaabiyaha Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Waxaa baarista lagu oggaaday in maamulka Golaha Shacabku ay bixiyeen lacag kor u dhaafaysa $377-kun oo dollar iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan, kharashaadkan ayaa la siiyay seddex shirkadood iyo shaqsiyaad waxaana iyadoona lagu bixiyay hawlo kala duwan ee Golaha Shacabka taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.
Waxaa kaloo warbixinta ku jirta in wasaaradda kaluumeysiga ay si sharci darro ah shatiyo ku siisay in ka badan 140 shirkad iyo maraakiib shisheeye, iyada oo canshuur ahaan laga qaaday maraakiibta kaluumeysiga ilaa $56 milyan oo doolar oo aan la ogeyn meesha ay ka baxday.
Baaris lagu sameeyay arrimaha kalluumaysiga dalka ayaa Hantidhawrku ku soo bandhigay inaan laga warqabin lana kormeerin waxyaabaha ay sidaan maraakiibta shisheeye ee kaluumaysiga, tusaale ahaan hadii ay la baxeen kaluun ka badan intii loogu tala-galay iyo nooca.
Ma jirto cida ilaalisa xadiga kalluunka ee maraakiibta kala baxaan bada Soomaaliya oo mudo 30 sano ah dayacan khayraadkeeda.
Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa muddo 3 sano ah shatiyada siisay 43 shirkadood oo wadanka laga leeyahay, 15 iskaashatooyin, 83 shirkadood oo laga leeyahay Shiinaha, waxaana laga soo ururiyay $3.3m oo kaliya, lacagtaas oo shaqsiyaadka hogaamuya wasaaradda kalluumeysiga jeebka ku shubtay.
Hanti-dhworraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayey baaritaanka uu ku sameeyey sida loo maamulay lacagaha COVID-19 ayaa sheegay inay dawladda soo gashay lacag ka badan $51 milyan oo gudaha iyo dibadda ah.
Waxa uu sheegay in $3.9 milyan oo ka mid ah lacagtaas oo la siiyey maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lasoo gudbin caddaymo muuujinaya sidii ay ku baxeen.
Waxa uu intaas ku daray inuusan jirin qorshe hufan oo nidaaminayey jawaabta dawladdu ka bixisay la dagaalanka cudurka COVID-19. Waxa uu sheegay in lagu guuldarraystay in la diyaariyo xarumo karantiil iyo kuwa dadka lagu daweeyo oo ku filan inkastoo sida uu sheegay la hayey dhaqaalihii ku bixi lahaa.
Intii ay baaristu socotay ayaa waxaa la oggaaday in maamulka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu isticmaalay kharashaad kala duwan iyadoo aysan lahayn caddeymo dhammaystiran. Lacag bixinnadan oo dhan $735-kun ma aysan ku lifaaqnayn caddeymo dhammaytiran.
Lacagta kor ku xusan waxaa ku jiray saddex lacag bixinno caddaan ah oo aan la cayimin shakhsiyaadka la siiyay taas oo dhan US $500 oo kun iyadoo aysan lahayn caddeymo dhammaystiran.
Warbixintan ayaa ka tarjumeysa sida Soomaaliya wali safka hore uga jirto dalalka ugu musuq-maasuqa badan, taasoo loo sababeynayo isla xisaabtan la’aanta hay’adaha dowladda, oo mas’uul walba xafiiska uu madaxda ka yahay u uku tagri falo.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA IYADOO MUUQAAL AH:
GAROWE ONLINE