Saddex daraf oo ay ka guntami la'dahay qabyo-tirka dastuurka
MUQDISHO, Soomaaliya — Dooda dhameystirka dastuurka Soomaaliya ayaa mar kale soo rogaal-celisay. Puntland ayaa ku dhawaaqdey "in ay sida dowlad madax-banaan u dhaqmeyso" inta laga dhameystiro dastuurka. Hase ahaatee, madaxda dowlada federaalka ayaa caddeeyay in loo hakan doonin.
Hadaladan hawada la isku-mariyey ayaa ka dambeeyay markii is-faham-waa kusoo dhamaadey shirkii ugu dambeeyay ee madaxda federaalka iyo maamulada. Puntland ayaa diidey in ay saxiixdo laba qodob oo ajandaha ugu muhimsan ahaa.
Kala xadeynta awoodaha federaalka iyo maamulada si lamid ah federaaleynta nidaamka garsoorka ayay kala yihiin labada qodob ee madaxwayne Deni ka goos-qabsadey. Hadaba maxaa saldhig u ah is-qabqabsiga dastuurka qabyadda ah?
Marka laga soo tago danaha macaashka shaqsiyadeed iyo siyaasadeed ee lagu dhex-raadinayo dagaalkan siyaasadeed, waxaa jira saddex qodob oo rasmi ahaan ka guntami la'dahay dooda dhameystirka dastuurka federaalka Soomaaliya.
Lamacaamilka xeerdejinta?
Inkasta oo Puntland iyo dowladda Puntland aysan sharaxaad ka bixin gunta dooda, haddana hadalada ay saxaafada mariyeen ayaa qish ka bixiyey xudunta dooda oo u muuqanaysa in la isku-hayo cidda heshiiska ugu dambeeya gaareysa.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa Janaayo, 11, 2023 waxa uu caddeeyay in maamuladda ay federaalka ku matalaan mudaneyaal ayna tahay in ay ayaga soo marsadaan wax kasta oo ay doonayaan "kuna kalsoonaadaan".
Dr. Afyare Cilmi oo ah agaasimaha Machadka Daraasaadka Heritage ayaa idaacadda VOA-da waxa uu u sheegay in "in doodaas ay ka quman tahay in la sameeyo guddi ay xubin ka yihiin labada dhinac loona madax-banaaneeyn shaqada".
"Kuwaan hadda joogta [maamulka Xasan Sheekh] waxay leeyihiin baarlamaanka waxaa keensadey maamulada. Marka ayagaa la macaamilaynaa. Doodaas aniga waxaa igala quman sida aduunka wax u sameysto oo ah in guddi cid kasta qeyb ka tahay ay ka shaqeeyaan wax ummadan isku maamuli karto 100-ka sano soo aadan," ayuu tibaaxay.
Bixinta maqaam-gaar ah?
Xasan Sheekh ayaa isla-hadal-jeedintiisa Janaayo, 11, 2023 ku caddeeyay in miiska ay saaran yihiin wax uu ku qeexay "kala sareyntiisa muwaadiniinta Soomaaliyeed". Balse, doodda saxda ah waa in maamulada qaar helaan maqaam-gaar ah.
Dr. Afyare oo maamulada Puntland iyo Somaliland ay ku doodayaan in ay nooca federaalka Soomaaliya qaadaneyso ay ku helaan tixgelin gaar ah maadaama ay dhisme ahaan iyo siyaasad ahaan ka horeeyaan dowlad goboleedyada kale.
"Dooddaas ma ahan wax Puntland ka bilaabanayo. Aduunka oo dhan meel tixgelin gaar ah loo siiyey waa jiraan. Hase ahaatee, waa mid u baahan in dadka ay ka heshiiyaan. Wax qolo gaar ah sameyn karto maaha," ayuu sii raaciyey aqoonyahanka.
Wadamada aduunka ee nidaamka noocaan ah looga dhaqmo waxaa kamid ah Canada iyo Indonesia kuwaasoo gobolo gaar ah siiyey xuquuq dheeraad ah iyada oo loo tixgelinayo daruufo ay kamid tahay dadka iyo adeegyada bulshada oo ku badan.
Tafaariiqeynta Dastuurka
Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo lagu tilmaamay kan dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyey guud ahaan caalamka ayaa si rasmi ah loo meelmariyey 2012-kii. Arrimaha ugu culus ee dooda ka taagan tahay waa sagaal qodob.
Dr. Afyare oo ku taliyey in qodobada haray loo meelmariyo si jumlo ah ayaa taageeray meesha laga saaro hanaanka haatan lagu dhaqmo ee qodob-qodobka ah isla markaana ay ka baaraan-dagaa farsamo-yaqaano Soomaali u dhan tahay.
"Inta aan qodob qodob loo tafaariiqeyn dastuurka, waa in marka hore la saxo geedi-socodka aan dastuurka ku saxayno. Waa in ka helo hanaan dad farsamo-yaqaan ah oo muddo dheer ka fikiri karo," ayuu soo jeediyey cilmi-baaraha.
Dhameystirka dastuurka ayaa xujo ku ahayd dhamaan dowladihii Soomaaliya ee la dhisay wixii ka dambeeyay 2012-kii. Mar walba oo loo dhaqaaqo waxay dhibtaada ka imaaneysay madaxda federaalka oo eeda ugu badan ee loo jeediyo ahayd in ay doonayaan in ay "ku jimeynayaan rabitaankooda shaqsiga".
GAROWE ONLINE