Puntland oo gudbisay wakiiladeeda guddiyada doorashooyinka 2020-21

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah waxay u gudbisay xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay muujinayaan xogaha, xubnaha Puntland ay xulatay ayaa kala ah; Cabdiwali Tima-cadde, Muuse Geelle Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin kuwaasoo ku biiraya xubnaha kale ee maamulada dalka.

Cabdiwali Timace iyo Muuse Geelle ayaa, sidda xogta ku cad, waxay kamid noqonayaan Guddiga doorashooyinka heer federaal.

Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin, oo lataliye u ah madaxweyne Deni, ayaa dhankooda ku biiraya guddi xalinta khilaafaadka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in saddex dowlad goboleed aysan wali soo gudbin liiska xubnaha ku metalaya guddiyadda codeynta.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa 17-kii September waxay isla meel-dhigeen qaabka iyo jadwalka doorashadda kaasoo xeerinaya in guddiyada lasoo gudbiyo ugu dambeyn 20-ka bisha October ee 2020-ka.

Jadwalkaas waxaa sidoo kale uu xeerinayaan in Xildhibaanka ugu horeeya ee Aqalka Sarre la dooran doono 1-da bisha December ee xagaagan, halka mudanaha koowad ee Aqalka Hoose loo coddeynayo 1-da November.

Madaxweynaha iyo guddoonka labada aqal ayaa loo mudeeyay in lasoo xulo 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo taasoo ka dhigan in la qaban karo mudada u dhaxeysa, wallow ay ku xirnaan doonta sidda loo dardargeliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM