Puntland oo war kasoo saartay dagaalka Tukaraq [AKHRI]

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa war kasoo saartey dagaalkii saaka ka dhacay duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo yimid kadib markii Ciidamada maamulka Somaliland ay weerar kusoo qaadeen kuwa Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu shalay amray duulaanka maanta lagu soo qaadey Ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka Tukaraq.

"Sidaan la socono, Madaxweynaha Somaliland horey ayuu u shaaciyay siyaasadiisa nooleynta colaada deegaanada lagu muransan yahay, taasi oo ah isku day lagu sharciyeynayo xuduudii gumeysiga Ingiriiska," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Puntland.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegtay in Muuse Biixii uu markii labaad amar ku bixiyay duulaan ka dhan ah Puntland, isagoo ku marain habaabinayo shacabka Somaliland inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisii uu ku galay Ololaha doorashada.

Madaxtooyada Puntland ayaa ku tilmaamantay siyaaasadda Madaxweyne Muuse Biixi mid caddeyn u ah cadaawadda maamulka ku yaalla Waqooyiga Galbeed ee Sooomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay inay muujisay is-xakameyn iyo dulqaad si looga hortago in dhiigga shacabka Soomaaliyeed ku daadiyo dagaal ka dhaca gobollada lagu muransan yahay, gaar ahaan Tukaraq oo Somaliland qabsatay January 8, 2018.

War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Puntland ay iska difaacayso weerar kasta oo deegaanadeeda iyo shacabkeeda looga soo qaado dhanka Somaliland.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa ku wargelisay Beesha caalamka inaysan damacsanayn ficil colaad abuuraya, islamarkaana wax u dhimaya deganaanshaha iyo maslaxadda Shacabka Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH KU QORAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM