Xubinimada Soomaaliya ee Dallada EAC: Faa'iidada iyo Caqabadaha
MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa dhowr tallaabo u jirta in ay si rasmi ah uga mid noqoto xubnaha Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC, waxaana tallaabadan ka dhashay falcelinno kala duwan, maadaama dalka uu weli wajahayo colaaddo sokeeye.
In kasta oo ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC ay faa'iidooyin dhowr ah u leedahay waddamada xubnaha ka ah haddana waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in ammaan-darrada Soomaaliya ka jirta ay si fudud ugu gudubto wadamada kale ee gobolka.
Faa'iidooyinka illaa haatan la diiwaan-geliyey waxaa kamid ah; in ku biirida Soomaaliya ay kordhineyso ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo isku-xirka Afrika iyo Jasiiradda Carabta -
Iyadda oo la meelmariyey warbixin ku saabsan in Soomaaliya ay u qalanto ku biirida ururka, Golaha Wasiirada dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa la filayaa in ay bilaabaan soona gebagebeeyaan wada xaajoodyada ay Soomaaliya uga noqoneyso ururkan.
Soomaaliya oo la aaminsan yahay in ay ku nool yihiin ku dhowaad 20 milyan ayaa noqonaysa xubintii sideedaad ee dallada haddii si kama dambeys ah loo ogolaado. Tani waxay kor u qaadaysa isu socodka badeecadaha, adeegyada iyo dadka gobolka.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) waa xubinta cusub ee EAC ee ururkan oo ay ku jiraan Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda iyo South Sudan. Wadamada qaar sida Tanzania iyo Burundi ayaa ka soo horjeestay in Soomaaliya la ogolaado.
Inkastoo ay jiran weeraro goos goos ah oo ay geysato kooxda Al Shabaab, Soomaaliya waxaa jooga ciidamo nabad ilaalin ah oo ay soo direen qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah EAC iyagoo u maraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dalalka ciidamada ku yaboohay howlgalka AMISOM, ayaa tan iyo markii dib loo qaabeeyay lagu daray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxaana ka mid ah dalalka xubnaha ka ah EAC ee Kenya, Uganda iyo Burundi.
Soomaaliya waxay xuduud la wadaagtaa Kenya dhanka Bari. Mid ka mid ah shuruudaha ugu horreeya ee waddan loo ogolaado EAC waa in la wadaago xadka ugu yaraan hal waddan oo xubin ka ah.
Laakin si waddan loogu ogolaado in uu xubin buuxda ka noqdo EAC, waa inuu sidoo kale lahaadaa hay'ado dimuqraadi ah oo xooggan taas oo Soomaaliya waqti-xaadirkan aan si dhameystiran uga jirin.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii May ee sannadkii hore ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, ayaa isku dayay inuu ku biiro EAC xilligiisii ugu horreysay intii u dhexeysay 2012 iyo 2017.
Guddiga qiimeynta oo qaabilsan diyaarinta warbixinta dhowaan la meelmariyey ayaa markii hore diiday codsigaas, iyagoo sabab uga dhigay colaado goos goos ah iyo hay’ado daciif ah oo ka jira Soomaaliya.
Laakin rajada Muqdisho ee ah in la ogolaado EAC ayaa dib u soo cusboonaatay ka dib markii South Sudan la aqbalay sanadkii 2016. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in ay ka shaqaynaysay sidii dalka uu nabad ugu noqon lahaa.
Arrimaha kale ee dhiirageliyey rajada Soomaaliya waa saameynta qurba-joogta ku nool Kenya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah EAC. Qurba-joogtan waxay lacago badan geliyeen wadamaddan, waxaana ay si maalinleh u qaataan malaayiin doolar oo kaash ah.
GAROWE ONLINE